Zahra waxa ay ku dhalatey Soomaaliya, kuna nooleeyd wadamao kale duwan oo ay ka midyihiin Keenya iyo masar. Waxeea ay aqoonteeda dhakhranimo ka bilowdey midowgii sovietka, waxaana u suurtagaliweyda in ay sii wadato barashadeedii dhakhtarka cuduradda haweenka. Wxeey dhalashada Finland qaadatey 1998.

Zahra waa hooyo, ummuliso, shaqo aan joogta aheeyn heeyso, markii afaraadna ka tirsan xubnaha dowladda hoose ee magaaladda Helsinki. Zahra waxeey dhashey seddex ilmoot waxeeyna deggantahey Pukinmäki. Zahra waxa ay si wanaagsan ugu hadashaa afafka finishka, soomaaliga, ingariiska, carabiga iyo ruushka.

Zahra waxeey noqotey dadka soo galootiga ah qofka ugu codadka badan sanadkii 2003 iyo 2007 doorashooyinkii paarlamaanka ee ka dhacey Finland. Waxa ay kaloo noqotey ”gabadhii sanadka ee gabdhha qaxootiga ah”

Zahra waa gabar aad iyo aad u dadaal badan oo firfircoon. waxa ay ka tirsantahey ururo fara badan iyo gudiyada ay ka mid yihiin kuwa la dagaalanka cunsuriyadda, iyo dadka soo galootiga waxii ku saabsan oo idil, ha ahaato dhanka caafimaad ama sinaanshaha beniaadamka.

Zahra waxa ay ka tirsantahey xisbiga garabka bidix, Vasemmistoliitto. Ururkaas waxuu horumariya beniaadaamka iyo cimilada uu ku noolyahiin in ay tahey mid iskudheelitiran.

Waxii dheeraad ah oo aad jeceshahey in aad codbixinta iyo sharuucda la xiriirta ka ogaato, ka fiiri/eegT ka tixraac websitka wasaardda cadaaladda ee Finland.

https://vasemmisto.fi/ehdokas/zahraabdulla/